af Soomaali

Skip to page navigation

Musqulaha, qasabadaha gudaha, iyo qasabadaha dibadda ee daadinaya ee gurigaagu waxay kuugu kici karaan $200 sannadkii biilkaaga biyaha/nalka iwm, iyo qashin 10,000 oo galaan oo biyo ah.

Helista iyo samaynta daadintu waa qaab fudud oo lagu keydinaayo lacag iyo biyo.

Isticmaal fiidyawgan talaabo-talaabada ah ee si aad u ogaato una samayso daadinaha guriga ee ugu caansan – suuliyada, qasabadaha gudaha iyo kuwa dibadda.

Daadinaha Musqusha

Musqulaha daadintoodu waa qaar qarsoon. Daadino badan oo suuliga ahi waa aamusan yihiin waxayna dhici karaan adoon ogayn, marka waa fikrad fiican inaad ka hubiso suuliga daadin ugu yaraan laba jeer sannadkii.

Daadinta qasabadda

Daadinta qasabaddu waa mid ka mid ah daadinaha guriga ee ugu caansan uguna fudud in la sameeyo.

Qasabadaha Dibadda

Qasabadda dibadda ee daadinaysa way fududahay in la hilmaamo – xagga aragga, xagga xasuusta. Laakiin xiitaa daadin yar ayaa si dhakhso ah iskugu rogi karta kharash badan, sidaas darteed way u qalantaa ka hubinta daadin qasabaddaada si joogto ah.

Isticmaal cabbirkaaga si aad u hesho daadin

Ogow sida cabbirahaaga biyuhu kaaga caawin karo inaad ogaato meesha daadinaysa gurigaga.

Ka ilaali qasabadaha dibadda fadhiisi

Marka cimilada qabaw soo dhacdo, qasabadaha debaddu way fadhiisan karaan oo qarxi karaan, iyadoo ku badaysa kharash dayactir oo aadan filayn. Baro sida looga ilaaliyo qasabadaha dibadda far.

Samaynta daadinaha guriga – English (pdf)

Waad mahadsan tihiin rafiiqyade McLendon’s Hardware iyo Best Plumbing oo naga kaalmeeyey samaynta fiidyawyadan.

Beenin: Saving Water Partnership iyo Seattle Public Utilities waxay u bixiyaan fiidyawyadan qaab macluumaad guud ah oo kaliya talada ku jirtana waa inaan loo macnaysan nooc caddayn, dammaanad ama oggolaansho kale ah marka la eego addeecidda Mulkiilaha ee wixii sharci dawladda dhexe, gobolka iyo/ama deegaanka, xeer, sharci ama shuruuda ee qabanaya, Kamana masuul aha Saving Water Partnership ama Seattle Public Utilities wixii dhaawac ama wacyeelo ka iman kara isticmaalka macluumaadka kujira fiidyawgan.